Breda Travel Agency & Money Transfer -Al Amal Express

Shirkada Xawaalada iyo Bankiga Amal Express oo maanta xariga ka jartay daarta ugu quruxda badan Muqdisho una soo guurtay

Shirkadda Xawaalada iyo Bankiga Amal Express oo ka mid ah shirkadaha Xawaaladaha dalkeena kuwooda ugu waaweyn kana shaqaynaysay magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dnbeeyay 1997-dii ayaa maanta u soo guurtay daar cusub oo ay shirkadani ka dhisatay wadada H/wadaag, gaar ahaan agagaarka xarumaha waaweyn ee shirkadaha isgaarsiinta ay ku tartamaan, iyadoo munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey furitaankii daartaasi, ayna ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsato siyaasiyiinta culumada suxufiyiinta ayaa maanta ka dhacday Baar Ramadaan ee magaalada Muqdisho.


Daartan cusub oo la magac baxday (Amal Plaza at Mogadishu) ahna daarta ugu quruxda badan magaaladan Muqdisho ayaa dhismaheedu socday muddo sanad ah, iyadoo weriyeyaasha iyo qeybaha kale martididii ka soo qeyb gashay furitaankeedana lagu soo wareejiyey qeybaha kala gedisan ee daartaasi ay ka kooban tahay, waxaana gudaheeda ka muuqday qalab kala duwan oo la dareemayo in si aad ah looga shaqeeyey, Juhdi badana uu ku baxay.


Guddoomiyaha shirkadda xawaalada iyo Bankiga Amal Express Cali Yaasiin oo munaasabaasi ka hadlay ayaa sheegay in daartan cusub oo ah dhisme ka kooban ilaa 4 dabaq loogu talo galay iney noqoto xarunta Shirkadda xawaalada Amal Express ee Koonfurta Soomaaliya, isagoo xusay in daartan Amal Plaza at Mogadishu oo dhismaheedu socday muddo sanad ah ay ka kooban tahay labo qeybood oo kala ah qeyb xafiisyo u noqon doonta howlwadeenada iyo shaqaalaha shirkaddan halka qeybta kale uu tilmaamay iney noqon doonto Hotel qaab ganacsi u shaqeyn doona.


“Shirkadda xawaalada Amal Express waxaa la asaasay 1997-dii xiligaasoo ay dalka ka jirtay baahi dhinaca xawaaladaha ah, waxayna shirkaddu ka howlgashaa meel kasta oo caalamka ah iyo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo culeyskana saarta goobaha ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibediisa” ayuu yiri Cali Yaasiin oo intaa ku daray in shirkadda xawaalada Amal Express ay mar walba ka qeyb qaadato wax ka qabashada adeegyada guud ee bulshada iyo dadka danyarta ah.

Shirkadda Xawaalada iyo Bankiga Amal Express ayaa ka mid ah shirkadaha fara ku tiriska ah ee sida weyn looga bartay adeegyo xawaaladeed oo aad deg deg badan iyo amaano, iyagoo dhowaana shirkadaasi ay bilowday iney ku shaqeyso adeega casriga ah ee loo yaqaano (Online Service) oo isagu suurta gelinaya in lacagta laguu soo xawilo ay muddo 5 daqiiqadood ka yar ah kugu soo gaarto, halka marki hore ay ka aheyd 12-24 saacadood, taasoo shirkadda xawaalada Amal Express ay ku kasbatay macaamiil fara badan oo si weyn u soo dhoweeyey adeegaasi iyo adeegyada kale shirkadaasi ay u heyso bulshada Soomaaliyeed xiligan adag ee dalku marayo, iyadoo dad badan ay si aad ah ula dhaceen aadna u hadal hayaan sida geesimada leh ee mas'uuliyiinta xawaalada Amal ay ugu dhiiradeen xiliggan maamul la'aantu ay ka jirto Soomaaliya in ay daar sidanoo kale u qurux badan dhismaheeda ka hirgeliyaan magaaladan Muqdisho, taasoo la tilmaamay iney dhiirigelin iyo bilow fiicanba ay u tahay dib u dhis lagu sameeyo dalka Soomaaliya.