Breda Travel Agency & Money Transfer Al - Amal Express

Sharciyada lacag dirista Xawaaladaha Soomalida ah ee Sweden iyo Xawaaladii Ugu Horeesay oo Heshay Sharci Dalka Swedan  

Baaritaano badan ayay dawlada Sweden ku samaysay xawaladaha Somalida. Baaritaanada waxaa ka soo baxay xawaalado badan in aysan canshuur bixin. Kuwa badana ganacsigooda ku wadeen ururo samafal. Ururada samafalka inay ka shaqeeyan ganacsi ama ay faaido samayeen lama ogola.

Mida kale xawaaladaha Somalida aad waxaa loogu tuhunsanyahay ka qeybqaadashada lacagta ka timaaada suuqa madow iyo "maalgalinta argagixisada"

Heyada ka shaqaysa dembiyada dhaqaalaha la xidhiidha (ekobrottsmyndigheten) waxay go, aan ku qaadatay in baaritan wayn lagu sameeyo xawaaladaha Somalida 2008.

Sharciga lacag dirista (lag om betaltjänster)


Xawaalada Amal Express Sweden waxay Macaamiisheeda la socodsiinaysaa sharciyada cusub ee laga soo saaray midawga yurub oo dhan. Sharcigaas oo qeexaya lacag dirista iyo qaadashada. Sharcigaas oo soo baxay 1 Ogoosta 2010. Laga soo bilaabo xiligaas waxaa dhaqan galay sharci la yiraahdo Payment Services Directive kaas oo oranaya shirkad kasta oo lacag ka shaqaynaysa waa in ay haysataa ogolaanshaha lacag diritaanka.

Xawalada Amal Express Sweden ayaa waxay noqotay shirkadii ugu horaysay ee heshay sharcigaa muhuumka ah ee lacag diritaanka oo la yiraahdo Eruopean payment Services Directive. Sharcigaasi wuxuu u ogolaanaya Amal express in ay ka shaqayso lacag dirista iyo bixintaba.

Waa maxay lacagta suuqa madow?


Lacagta suuqa madoow waxay ka timidaa ka shaqayn dhaqdhaqaaq dambi ah oo la rabo in sharci laga dhigo. Waxay noqon kartaa lacag ka timid mukhadaraad, jir gadis, mukhalisiin, ganacsiga hubka iyo musuqmaasuq.

Waa maxay maalgalinta argagixisada?

Qof raba lacag aan sharci ahayn inuu diro oo systemka shirkada isticmaalo. Maalgalinta argagixisada waa aruurin lacag oo loogu talagalay in loo isticmaalo hirgalin argagixiso ah.

Maxay u bixinayaan macaamiishu macluumaad dheeraad ah?

Bangiyada, xawaaladaha iyo shirkadaha u dira lacagaha Afrika, gaar ahaan Somaliya waxaa looga baahan yahay in uu qofku bixiyo maclumaad dheeraad ah sida uu qeexayo sharciga cusub. Shircigaasi wuxuu khuseeyaa shirkad kasta o ka shaqaysa lacagaha. Macaluumaadkaas waa in laga macmil walba. Arintaas macneheedu maahan in qofka macaamiisha ah lagu tuhun sanyahay lacagta suuqa madow ama "maalgalin argagixixo". Maclumaadka dheeradka waxaa looga baahanyahay macmiisha u diraya lacagta Soomaaliya. Hadii aan lacagta la qeexin waxa ay tahay qatar waxay ugu jirtaa in ay noqoto lacag ka timid suuqa madow ama maalgalin argigixiso.

Maclumaadka looga baahanyahay macmiilka?


Shirkadaha ka shaqeeya lacagaha waa masuuliyadooda in ay markasta aqoonsadaa macmiisha diraya lacagaha. Macaamiilka waxaa laga rabaa koobi kaarkiisa aqoonsiga, magaca, cinwaanka, lambarka dhalashada, saxiix iyo telefonnummer. Shaqalaha shirkada waxay waydiinayaan macaamiisha sababta lacagta loo dirayo. Shirkada waxay xaq u leedahay inay ku waydiiso qoraal aad ku xaqiijinaysid meeshaad lacagta ka keentay sida receipt, warqada mushaarka i.w.m.

Maclumaadka xagee la gaynayaa?


Amal Express maclumaadka macaamiishu dhiibto waxaa lagu xifdinayaa faylal iyo it systemka shirkada. Macaamiishu xaquuq badan ayay leeyihiin oo dhigayo sharciga kaydinta maclumaadka macaamiisha (personuppgiftslagen). Macluumaadkaas qofku bixiyey shirkadu uma gudbin karto xafiisyada dawlada ama shirkado kale.

Adeega Amal Express Sweden


Shirkada Amal Express waxay u taagantahay marwalba iyo saacadwalba u adeegida bulsho waynta Soomaliyeed. Intaas kadib ha ku qancinina wax ka yar intaan idiin hayno. Hada dir hada qaado