رمــضـــان
الكريـــم
RAMADAAN
KARIIM
·
FADLIGA SOOMKA:
Fadliyada soomka waa fara badanyihiin, waxaana ka mid
ah inuu Rasuulkeena (SCW) uu yiri: "Haduu ramadaan bilowdo albaabada jannada waa la furaa kuwa naartana
waa la xiraa". Wuxuu kaloo rasuulku
yiri: "Qofkii u sooma iimaan iyo
ajar dalbid awgeed dambigiisii hore waa la dhaafaa.
Wuxuu kaloo yiri nabigeenu (SCW) in jannada uu ku
yaalo albaab la yiraahdo "ARRAYAAN" oo ay dadka sooma
ka galaan maalinta qiyaamaha, kadibna la xiro oo aan cid
kale ka daba galin". waana bil tawbada laga aqbalo
qofkii ka run sheegaya.
·
QOFKA AAN SOOMIN:
Qofka maalinta ramadaan ay ku dhaafto
cudur daar la'aan ay tahay
arin aad u weyn, culimaduna ay ku tilmaantay
inuu qofkaasi ka shar badan
yahay ka sineysta ama khamri
caba. Nabigeena
(SCW) wuxuu inoo sheegay in qofka maalin ramadaan ka tagto rukhso
la'aan (sida: safarka
, xaydka, xanuunka. iwm) aysan ka
gudi karin xitaa haduu soomo
noloshiisa inta ka dhiman.
·
MAXAA SOOMKA BURIYA:
Waxaa soomka buriya qofkoo
si ula kac ah wax u cuna, caba ama
iska matajiya, caadada(xaydka), dhiiga dhalmada iyo galmada dhacda
inta ay qoraxdu soo jeedo (daytime),
si hadaba uusan u burin soomkaagu waa in qofku ka
fogaado kuwan kor ku xusnay iyo
kuwan soo socda oo runtii
dadka badankood dhayalsadaan sida: Cayda, xanta, beenta, isku dirka, xasdiga, hadalka macna darada
ah(laqwi) iwm. Maxaa yeelay nabigu
(SCW) wuxuu yiri: "Qofkii ka tagi
waaya hadalka xun iyo ku
dhaqankiisa ilaahay dan kama laha
cuntada iyo cabitaanka uu ka
tagay".
·
SUNAYAASHA SOOMKA:
Sunooyinka soomka waxaa ka
mid ah in suxuurta gadaal loo dhigo,
afurkana la dadajiyo oo hore loo
afuro, Nabigeenu (SCW) wuxuu ku af furan jiray xabad timira
ah iyo biyo, wuxuu badin jiray
cibaadada, samafalka, sadaqada, akhrinta quraanka, toobada iyo salaada habeenkii
ah. Hadaba walaalayaal Nabiga (SCW) waxaa inooga sugnaatay ku dayasho wanaagsan.
Soomka ilaahay ayaa inagu wajibiyay
waa inaan sidiisa ula nimaadnaa, waa inaan iska
ilaalinaa waxyaabaha xun-xun ee ay
haboon tahay in qofka soomani ka
dhawrsanaado sida: qabiil ku faanistiisa ama caydiisa, kaa
soo hadaan soomaali nahay khaasatan adduun iyo aakhiraba ina dhaafiyay, iyo guud ahaanba caadooyinka
xun-xun. Waa inaan bisha ramadaan
ku soo dhaweyno
ficil khayr ah, quraan akhriska, salaada taraawiixda iyo cibaadado kasta oo ilaahay loogu
dhawaado, taasoo quraanka iyo sunada
waafaqsan, gaar ahaan in lagu dadaalo
10-ka danbe ee ramadaan oo guntiga
dhiisha layskaga dhigo. Ugu danbeyntii
waxaan idiin rajeynaa bishan barakeysan naxariista Eebe, dambi dhaaf
iyo naarta in ilaahay naga xoreeyo.
Aamiin ... Aamiin ... Aamiin ...